Erayo Qalbiga Taabanaayo
Niyadda maan ku dhigaa
jacaylkaaga mise warqad baa ku qoraa si aad u dareentid miisaanka jacaylka aan
kuu hayo.
Labadaba mid ma samayn karo balse waxaan awooddaa in qalbigaygu kula hadlo kuuna cadeeyo intaad aduunka aad saaran tahay aan ahay dhamays karti badan.
Haddaan maalin garab kaaga kasoo ag tooso wajigaaga quruxdiisana uu noqdo waxa kaliyah ay indhahey ku waabariisataan .
Waxaan daremaa xasilooni buuxda mar walba aad
garab keyga joogtid.
Jecelkaan kuu qaba ma ahan mid yar malahan xuduud
wax kasta adigaa ayaa ii ah qalbigeyga wehel ayaad utahay.
Indhaheyguu wey jecel yihiin aragaaga,
dhagaheyguu wey jecel yihiin iney maqlaan codkaga macaan , kaasoo qalbigeyga dajiya
aad baan kuu jeclahay.
Nasashada qalbigeyga waxuu ku imaan karaa in aan
maqlo codkaga macaanka badan.
Qalbigaygu waa magaalo jacayl , dhammaan dadka
deggana waa adiga Oo kaliya.


0 Comments